Sanatarrada Hawiye Oo Ku shiray Muqdisho Iyo Is Hor Istaag Dhanka Dowladda Oo Ay La Kulmeen

Warar kala duwan oo hadda ina soo gaaraya waxa ay sheegayaan in xildhibaannada aqalka sare ee beesha Hawiye ay ku shireen Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha ay ka wada hadleen waxaa ugu waynaa arrinta xarigga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay dowladda ay xiratay.

Waxaana ay ku heshiiyeen in loo midoobo arrintaas, islamarkaana meel looga soo horjeesto meel kaga dhaca sharafta muwaaddiniinta qaranka.

Sidoo kale waxa ay codsadeen si shuruud la’aan ah loo sii daayo siyaasiga maadaama uu sharaf leeyahay wasiir horeyna soo noqday.

Si kastaba ha ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in ciidanka nabad sugidda ay isku dayeen in ay hor istaagaan ha yeeshee waxa ay kusoo aadeen xilli ay gaba gabo ahayd shirka odayaasha iyo xildhibaannada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa sii noqoneysa mid aad u qarribban, taasna waxa ay caqabad ku noqoneysaa dimoqraaddiyadda dalka.