28.7 C
New York
Tuesday, July 27, 2021
Home WARARKA MAANTA Qabiilkee Bay Kasoo Jeedeen Ilaalladii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ee Xalay La Xasuuqay

Qabiilkee Bay Kasoo Jeedeen Ilaalladii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ee Xalay La Xasuuqay

Weli waxaan ku guda jirnaa tebinta wararka la xiriira dhacdadii siyaasadeed ee xalay lagu weerarray guriga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ahaa wasiir hore oo xukuumadda soomaaliya.

Baaritaannada aan wadno waxa aynu ku ogaanay in siyaasiga la waxyeeleeyay dhammaan ilaalladiisa oo tiro ahaan lagu sheegay in ay ahaayeen ilaa iyo lix qofood.

Waxaa is wayddiin mudan ilaallada siyaasiga iyo cidda ay ahaayeen.

Afar kamid ah ilaalladiisa waxa ay ahaayeen beesha Ceyr oo isaga uu kasoo jeedo, hal qof oo kamid ah ilaalladiisa ayaa kasoo jeeda beesha Saleebaan halka kan soo harayna uu kasoo jeedo beesha Raxan wayn, taas oo muujineysa in ilaalladiisa ay ahaayeen kuwa qabiillo kala duwan kasoo jeeda.

Weli wax war ah lagama helin arrinta Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ku aaddan xarigiisa iyo hadda waxa la filan karo.