Yaa Amray Howlgalka Lagu weerarray Cabdiraxmaan Cabdishakuur?

Siyaasiga caanka ah ee cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa lagu weerarray gurigiisa, waxaana kasoo baxaya warar dheeri ah weerarka lagu qaaday guriga siyaasiga.

Illo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Saaddaq John oo heyb ahaan kasoo jeeda beesha Habar Gidir gaar ahaan Saleebaan uu ahaa qofka loo igmaday in uu amro weerarkaas, maadaama uu yahay mid fud fudud oo, islamarkaana ay isku heyb yihiin siyaasiga.

Saadaq John oo isna ka faa’iideysanaya dalabka dhanka sare ka yimid ayaa adeejiyay saraakiisha dhallinyarada ah ee Yaasiin Nuur Kheyrre iyo Farxaan Maxamud Qaroolle kuwaas oo loo badinayo in ay yihiin heyb ahaan beel waynta Habar Gidir.

Howl galka ayaa ahaa mid aad u adag islamarkaana ay ka qeyb qaateen ciidan badan oo kamid ah nabad sugidda kuwaas oo ilaa xad laayay dhammaan ilaalladii siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur sidoo kalena isaga dhaawac u geystay.

Waan soo gudbin doonnaa xogaha waa wayn ee ku aaddan dhacdadan illaa waagu ka baryo ee nala joog, Shaaciye.org