(XOG) Maxaa Ka Jira In Dowladda Soomaaliya Ay Ka Baqeyso Afgembi Militeri Oo Kaga Yimaada Dhanka Ciidanka Qalabka Sida?

Dowladda Soomaaliya ayaa ka codsatay dhiggeeda Mareykan ka in la joojiyo lana hakiyo dhammaan wax walba oo taakullo ah oo ay dowladdaas siin jirtay qeyb kamid ah ciidanka qalabka sida.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan in arrintaas looga gunleeyahay dhowr waxyaabood oo kala duwan, sidaa darteed shabakadda wararka Shaaciye iyadoo adeegsaneysa qaar kamid ah xeeldheerayaasha siyaasadda Soomaaliya ayaa falanqeyn ku sameyn doonta arrintan.

Maadaama tirada ugu badan ee ciidanka laga joojiyay gunnada ay ahaayeen kuwa kasoo jeeda  beellaha koonfureed ama Hawiye sida aad doonto u qaado e, sidoo kalena ay ahaayeen kuwa qaasatan kasoo jeeda labada beel ee ugu wayn mucaaradka Soomaaliya oo ah Habar Gidir iyo Abgaal.

Dadka qaar ayaa aaminsan in sababta loo hakiyay ay tahay in dib isku shaandheyn loogu sameeyo ciidanka, islamarkaana la kala diro, iyadoo looga gonleeyahay in markale la diiwaan geliyo, lana yareeyo saammiga ay qabiilladaas ku yeellan karaan ciidanka ka howl gala Banaadir iyo labada Shabeelle.

Tirada ugu badan ee ciidanka ayeey leeyihiin, intaas waxaa dheer in 60%kiiba ay heystaan qabiilladaas hubka SOomaaliya.

Taliyayaasha ciidanka Badda, cirka, dhulka iyo qeybo kamid ah Booliska ayeey heystaan, sidoo kale waxa ay saammeyn xooggan ku leeyihiin wasaarradaha  Amniga, gaashaandhigga,  sirdoonka qaranka iyo qeybo badan oo kamid ah ciidanka qalabka sida.

Intaas marka lagu daro, in ay yihiin 90%kiiba qabiilladaas mucaarad kasoo horjeeda dowladda Soomaaliya, waxa ay qal qal iyo ku ridday walaac labada xafiis ee ugu sareeysa dalka, waana sababtaas midda ka dambeysa in la hakiyo gunnadii la siin jiray ciidanka qalabka sida.

Si looga digtoonaado in hal qolo ay la wareegto ciidanka, hubka iyo taliyayaasha ciidamada, islamarkaana dhammaantood ay yihiin kuwa kasoo horjeeda dowladda, taas waxa ay tash wiish siyaasadeed ku abuurtay Kheyrre iyo Farmaajo kuwaas oo dagay qiddad kale oo ah in Mareykan ka loo sheego in ay hakiyaan dhammaan gunnooyinka ay siiyaan ciidanka qalabka sida.

                           Soomaaliya iyo Afgembi

Sannadkii 1969-kii ayeey ahayd markii Soomaaliya uu ka dhacay Afgembi guuleystay, ha yeeshee xilligaas fursadda laga faa’iideystay ayaa ahayd in dalka uu madaxwayne la’aan noqday muddo ku dhowaad isbuuc, taasna ay fursad u siisay ciidanka qalabka sida oo uu hoggaaminayay AUN Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, kuwaas oo la wareegay xukunka dallka.

Sidoo kale dhowr jeer oo horey ayaa sidaas la iskugu dayay, oo sannadkii 1979-kii AUN Korneel Cabdillahi Cirro ayaa isku dayay af gembi taas oo keentay in uu ka guuldarreystay, sidoo kale dhowr jeer oo kala duwan ayaa siyaasiyiin loogu eedeeyay in ay damacsan yihiin afgembi, waxaana kamid ah AUN  Jeneraal Salaad Gabeyrre Kadiye, Maxa’ed Ceynaashe Guuleed, Cabdullahi Yuusuf iyo siyaasiyiin kale oo dhammaantooda isku dayay in ay sameeyaan af gembi ama inqilaab caskari.

                                             

             Fursadaha Abuuri Kara Afgembi Militeri

 

Madaxda Soomaalida ayaa mararka qaar sameeya qaladaad ah in dhammaantooda, ama saddexda xafiis ee ugu sarreysa dhanka fulinta ay ka wada maqnaadaan dalka, taas oo dhowr jeer oo horey u dhacday.

Haddii ay dhacdo in culeyska lagu hayo ciidanka uu sidan sii ahaado, madaxda dalkana ay sidey doonaan iskaga safraan oo dalka ka maqnaadaan, taas waxa ay fursad kale siin karta cid kasta oo hunguri siyaasadeed uu ka hayo in mar uun uu madax ka noqdo dalka, doorasho ama ku dur duris midkey doonto ha noqoto e.

W/Q:- Xuseen Madoobe