Xildhibaan Jeesow:-“Dadkeena Dagaalyahanadda Al-shabaab Bay Dhibane U Yihiin

Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay duqaymaha dhinaca cirka, ee ay xilligan wajahayaan Kooxda Al Shabaab.
Xildhibaan-ka oo xubin ka ah Guddiga Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Golaha Shacabka, ayaa sheegay in shacabka Somaliyeed ay maanta dhibane u yihiin dagaalyahanadda Kooxda Al Shabaab,islamarkaana Dowladda loogu baahan yahay in ay sii dardargaliso howlgaladda lagula dagaalamayo shabaab.
“Dadkeenii ayaa dhibane ah, Shabaab bay dhibane u yihiin, cid alaala iyo ciddii naga caawin kartana waa soo dhaweynaynaa, horeyna dowladeena way u soo dhaweysay, nimankaa niman qawaaniin loo fiirin karana maaha, tan shacabkana, shacabka ayaagaba u baahan in Shabaab laga xoreeyo oo maalin walba cabashadooda ay noo timaadaa.”ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.
Sidoo kale Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in duqeymaha mudooyinkii dambe Soomaliya ka dhacayay ay dhabar gooyeen Al-shabaab, islamarkaana ay ka carareen dhul badan oo mudooyinkii dambe ay ku sugnaayeen.
“Waad la socotiin dalka Somaliya boqolkiiba sagaashan (90%) dhaqaalaheena inta badan wuxuu ku tiirsanaa xoolaha iyo beeraha. Dhulka ay haystaan ee ay dhibaatada hadda ka gaysanayaan waa dhulkii xoolaha iyo beeraha,sidaasi awgeed ayay Dowladda Federaalka u ogolaatay in nimankaa cid alaala iyo ciddii qori ku tuuri kartaba ay ku tuurto.”ayuu yiri Jeesow.
Diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaliya,iyadoo sanadkaan gudahiisa Soomaliya ay ka fuliyeen 30-duqeyn oo lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahano Shabaab ahaa.