Wax Ka Ogoow Tartanka Curinta Iyo Hal Abuurka Sheekooyinka Af Soomaaliga Ee Ay Qabaneyso Xarunta IFIYE

Xarunta Ifiye oo ah xarun ay yagleelleen dhallinyaro Soomaaliyeed ayaa qabaneysa sannadkan tartan lagu baratamayo suugaanta iyo hab qoraalka farshaxanneysan.

Tartankan ayaa ah midkii ugu horreeyay ee noociisa, waxaana ku tartamaya dhallinyarada da’doodu ka hooseyso 35-ta sanno.

Guuleystaha ayaa qaadan doona lacag qaddarkeedu dhan yahay Kun dollar, halka kaalinta labaad oo heli doono 500-dollar, qofka gala kaalinta saddex aad ayaa isna helaya lacag intaas ka ag dhow.

Is diiwaan gelinta ayaa bilaabatay, waxaana ay soconeysaa ilaa laga gaaro 31-ka bishan December ee sannadkan.

Haddii aad dooneyso xog badan oo ku saabsan guji linkiga hoose si aad macluumaad badan uga hesho islamarkaana haddii aad dooneyso isku diiwaan geliso.

https://tartan.ifiye.com/