UPDATE:- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo La Dhaawacay Iyo NISA Oo Gacanta Ku Dhigtay Siyaasiga

Wararka aynu heleyno ayaa sheegaya in siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur lagu dhaawacay weerar lagu soo qaaday gurigiisa oo ku yaallay degmada Wadajir agagaarka Buullo xuubey.

Ciidanka NISA ayaa weerar qaawan ku qaadday guriga siyaasiga, waxaana naloo xaqiijiyay in la dhaawacay islamarkaana isagoo dhiig baxaya horey ay usii wateen ciidanka NISA.

warar kale oo aan la hubin ayaa sheegaya in guriga Cabdiraxmaan cabdishakuur uu kusugnaa xildhibaan Xasan Macallin oo ahaa siyaasigii xeer ilaalliyaha uu ku dhagnaa saacadihii lasoo dhaafay.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa inshallah.