Qabiilkee Iska Leh Tirada Ugu Badan Ee Ciidanka Laga Jartay Taakulleynta? (Xog Dhammeystiran)

Dowladda Mareykan ka ayaa ka jartay dhammaan taakulladii ay siin jirtay ciidanka dowladda Soomaaliya, gaar ahaan qeybta 12-ka April ee ka howl gasha aagga shabellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Sababaha ugu wayn ee loo aanneynayo arrintaas waxaa kamid ah in qabiillada qaar looga baqay in afgembi ku sameeyaan ciidanka dowladda Maadaama ay tiro ahaan ku badan yihiin ciidankaas.

Beesha Abgaal ayaa ku leh saammiga ugu badan ee ciidankaas, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa qoray tiradii ugu badnaa ee ciidanka, xilligii ay maamullayeen dalka, waana sababta keentay in ciidankaas ay noqdaan Abgaal iyo Soomaalida kale marka loo eego tirada guud iyo saameynta ay ku leeyihiin.

Sidoo kale Habar Gidir ayaa leh tirada xigta ee ugu badan ciidanka ka howl gala laba shabeelle iyo benaadir.

Si la iskugu dheelli tiro tirada iyo qabiillada iska leh ciidanka ugu badan ayaa loo hakiyay taakulladii la siin jiray ciidankaas.

SI kastaba ha ahaatee waxaa isa soo tarayay cambaarreynta siyaasiyiinta beellaha Hawiye ee ku aaddan arrintaas.