Madaxa Ugu Sareeya UNHCR Oo Kasoo Dagay Muqdisho Iyo Axmed Madoobe Iyo Farmaajo Oo Feel Ugu Jira La Kulankiisa

Sarkaalka ugu sarreeya hey’adda qaxootiga adduunka ee UNHCR ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa ku jiray safar uu ku bixinayay geeska Afrika, waxaana magaalada Muqdisho kusoo dhoweeyay qaar kamid ah shaqaallaha hey’addaas iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Waxaa lagu wadaa in ay wada hadlaan madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, waxaana la sii sheegayaa in ay ka wada hadli doonaan arrinta qaxootiga iyo dib u dejintooda.

Marka uu dhammaado shirka uu la leeyahay Farmaajo, waxa uu u gudbi doonaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland, halkaas oo ay kusugan yihiin qaar kamid ah qaxootigii dib looga soo celiyay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

SI kastaba ha ahaatee Axmed madoobe ayuu la kulmi doonaa kaas oo isna ay kawada hadli doonaa xaaladda qaxootigaas, waxaana la filayaa in ay wada dejiyaan qorshe lagu hormarinayo qaxootigaas.