$10 Milyan oo doollar oo loogu deeqday Soomaaliya?

Dowladda Canada ayaa $$10.4 Milyan oo Doollar ugu deeqday Soomaaliya gaar ahaan arrimaha gargaarka ka socda Soomaaliya ee wax looga qabanayo abaaraha.
Wasiirka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Canada Axmed Xuseen ayaa isaga oo wakiil ka ah Wasiirka horumarinta Caalamiga ah Marie-Claude Bibeau,waxaa uu ku dhawaaqay in lacagtaas Canada ku bixineyso kaalmada samafal ee Soomaaliya ka socota.
Lacagahan waxaa loo kala qoondeyn doonaa Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Mareykanka ee kala ah  World Food Programme, UNICEF, the United Nations Development Programme and the American Refugee Committee,waxaana ay ku bixin doonaa Dadka Soomaaliya ee dhibaatada abaarta la kulmaya.
Axmed Xuseen waxaa uu sheegay in Dowladda Canada ay iyada oo garab taagan horumarka iyo amniga ka jira Soomaaliya ay dhinaca abaarta ka saacideyso Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in Sanadkii 2015kii Lacag dhan $89.3 Milyan oo doollarka Mareykanka ah ugu deeqday abaaraha iyo horumarinta mashaariicda Soomaaliya.
Lacagta ay hadda Canada ku yaboohday abaaraha Soomaaliya ayuu sheegay in Hay’adaha ay u kala qaadan doonaan sidan:
WFP, $5.25 Milyan oo doollar,waxaa ay wax kaga qaban doontaa raashinka dadka ay abaaraha saameynta ku yeesheen.
UNICEF , $2.5Milyan oo doollar,waxaana ay wax kaga qaban doontaa adeegyada caafimaadk,aNafaqeynta Carruurta,Waxbarashada iyo adeegyada kale.
UNDP$1.7Milyan oo Doollar oo wax looga qabanayo caawinta dadka danta yar iyada oo loo marsiinayo Hay’adaha gudaha iyo kuwa Caalamiga ah ee aan dowliga ahayn.
ARC, $950,000 waxaa ay wax kaga qaban doontaa biya siinta iyo nadaafadda Gobollada Waqooyiga Soomaaliya.