Waa Maxay Sirta Ka Dambeysa In Weriye Boqorka Bartamaha Lasii Daayo Iyada Oo Uusan Dhammeysan Wakhtiga Xabsigiisa? (Ma Arrin Siyaasadee Mise?)

Weriye Maxamed Aweys Muudey (Boqorka Bartamaha) ayaa muddo afar sano oo uu ku xirnaa xabsi ku yaalla dalka Ethiopia laga sii daayay maanta.

Ha yeeshee dadka qaar ayaa is wayddiinaya sababta ka dambeysa in weriye Boqorka Bartamaha laga sii daayo xabsiga ka hor inta aan la gaarin xilligii ay maxkamadda ku xukuntay.

dadka falanqeeya siyaasadda Soomaalida ayaa aaminsan in ka hor inta aysan dowladda ku dhawaaqin go’aanka arrinta Qalbi Dhagax ay ka codsatay Ethiopia in la sii daayo weriya Boqorka Bartamaha si dadka loogu sheego in Ethiopia ayaa iyadana kusoo wareejisay Soomaaliya qof muhiim u ahaa oo gacanteeda kujiray.

Inkastoo aan la qaadan islamarkaana aan si buuxda loo caddeyn in Qalbi Dhagax la sii daayay haddana waxaa muhiim ahayd in heshiiska uu ku jiray siiddeynta mid kamid ah dadka ugu caansan SOomaalida ee ku jira xabsiyada Ethiopia.

Si kastaba ha ahaatee markii gun iyo baar la ogaaday in dowladda Soomaaliya ay dhiibtay muwaaddinkaas Soomaaliyeed ee Qalbi Dhagax ayaa durba maalintii kuxigtay waxaa lagu dhawaaqay in la sii deyn doono muwaaddin weriye Boqorka Bartamaha oo Ethiopia u xirnaa in ka badan afar sano.

Dadka qaar ayaa ku doodaya in ra’iisul wasaarre Kheyrre uu sii dayn lahaa ama markii lagu soo wareejinayay qaar kamid ah xabsiilleyda ku xirneyd Ethiopia; Ha yeeshee arrinta la siyaasadeeyay oo la doonayay in lagu dajiyo hadal heynta dad waynaha maadaama la ogaa in ay ka dhalaneyso khilaaf iyo muran dowladda ay ku wayn karto taageerradeeda.