Taliye Jen. Gorod oo Si Yaab leh Ugu Hadlay Lacagta uu Maraykanku joojiyey?

Taliyaha milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in aysan waxba kala socon eedeyn musuqmaasuq la xiriirta, taasoo keentay in xukuumadda Maraykanku ay ku dhawaaqdo inay joojisay lacagihii ay ku taageeri jirtay milateriga Soomaaliya.
Taa beddekeeda wuxuu sheegay Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod in dhaqaale ahaan ay iyagu isku tashan doonaan, wax saamayn ahyna aysan ku yeelan doonin.
Hadalka Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka ayaa imaanaya iyadoo Dowladda Mareykanka ay sheegtay in ay joojisay Saanaddii ay ku Taageeri jirtay Ciidamada Xoogga Sababo la xiriira Musuq Maasuq jira.