Wiil uu Dhalay Shiikh Muqtaar Roobow oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bakool

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya,Ciidamo daacad u ah Muqtaar Roobow  iyo  Al-sahabab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Abal oo qiyaastii 20 KM ujira magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.
Dagaalkaan ayaa bilowday xilli lagu jiray salaadda Khudbada Jimca ah,waxaana deegaanka weeraray Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Ciidamo Daacadda u ah Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Dagaalka oo muddo saacad ka badan socday ayaa sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray Ciidamadii dagaalamay.
Gudoomiyaha Degmadda Xudur ee Gobolka Bakool Maxamed Macalin oo caawa la hadlay Warbaahinta  ayaa sheegay in dagaalka uu dhacay xiligii duhurkii islamarkaana lagu dilay wiil uu dhalay Muqtaar Roobow khasaaro kalana uu jiro.
Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka lagu dilay  Cabdullaahi Mukhtaar Rooboow oo ah wiil uu dhalay Shiikh Muqtaar Abuu Mansuur iyo Taliyihii Abuu Mansuur oo magaciisa lagusoo gaabiyay Manuur Ganeey.