Aqriso Magacyada: Shariif Xasan oo Magaacabay Laba Wasiir?

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Dowlad Goboleedkaasi.
Shirkii Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed oo shalay Khamiis aheyd ay ku yeesheen magaalada Baydhabo ayaa looga dhawaaqay magacaabistan.
Maxamed Nuur Madoobe Nuunow ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, kadib markii Madoobe Nuunow Wasiirkii hore lagu dilay Weerarkii Hotel Naasab-hablood ee Muqdisho ay ku soo qaadeen Shabaab 28-kii bishii October ee sanadkan, kaasi oo Madaxtooyada Soomaaliya u jira wax ka yar Hal meyl.
Sidoo kale Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa loo magacaabay Maxamed Cumar Zeytuun.