Taliyaha Booliiska” Tirada naga dhimatay qarin meyno waa shahiid ciidankeyna geeriyooday”

Taliyaha KMG ah ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo shir jaraa’id ku qabtay Dugisga Tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliya ee Iskuul Buluusiya ayaa faah faahin ka bixiyay Tirada Ciidanka ku dhintay Qaraxii saakay ka dhacay Barxadda hore ee Iskuul Buluusiya.
Taliyaha ayaa sheegay in weerarkaasi uu fuliyay nin soo xirtay waxyaabaha qarxa kana yimid dhismo ka sameysan Kartooman iyo Baco la isku xiray oo ku yaala ka soo hor jeedka Iskuul Buluusiya kadibna dhex galay Ciidan quraacanayo waxaana qaraxaasi kaga dhintay 18 Askari 15 kalane ay ku dhaawacmeyn sida uu sheegay Taliyaha.
“qarin meyno ciidankii naga dhintay, waa shahiid alle ayaa naga jeclaaday laakiin cashir ayay noo noqon doontaa waxaana u sheegaya shacabka Soomaaliyeed in aysan wax saameyn ah nagu yeelan doonin, maxaa yeelay waan u diyaarsaneen dhimasho oo waxaan aheyn Ciidan dalkooda daafacaya” ayuu yiri Taliyaha KMG ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Nin soo xirtay waxyaabaha qarxa ayaa saakay Aroortii hore isku qarxiyay Ciidan ku sugnaa barxadda hore ee Iskuul Buluusiya waxaana weerarkii ugu horeeyay oo ka dhaca magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay Qaraxii ka dhacay Hotel Naasa-hablood 2 ee degmada Xamar weyne.