DEG DEG:- Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka dhacay Muqdisho

Wararka aan ka heleyno magaalada Muqdisho waxa ay sheegayaan in aroortii hore ee saakay uu ka dhacay qarax xooggan oo ismiidaamin ah.

Goobta uu qarax ka dhacay ayaa ah iskuulka tababbarka booliska ee Jeneraal Kaahiye ee degmada Xamar Jajab.

Askar tababbaraneysay ayaa lagu soo waramayaa in uu isku qarxiyay nin naftii hura ah oo isku soo ekeysiiyay ciidanka Booliska.

Qasaarraha goobta inkastoo aan si saanni ah loo garan karin goobta oo xiran awgeed, ha yeeshee waxaa la fahan san yahay in uu gaarsiisnaan karo ilaa tobaneeyo qofood, maadaama goobta ay mashquul ahayd.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uulliyadda qaraxaas ka dhacay Muqdisho waxaase loo maleeyaa in ay geysteen kooxda Shabaab, maadaama goobtaas lagu diyaarinayay ciidan loogu talagalay munaasabadda maalinta booliska Soomaaliyeed.