Xildhibaan Fiqi oo dhaliilay Hanaanka maamulka Madaxweyne Farmaajo?

Waxaa uu sheegay Siyaasadda Soomaaliya 27 sano ka dib ay u muuqato in ay ku socoto meel aan wanaagsaneyn.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo uusan waxba ka qaban waxyaabihii uu balan qaaday taasina ay tahay nasiib daro.
Fiqi ayaa sidoo kale xusay in ay jiraan xubno ka tirsan Dowladda oo si gaar ah ula wareegay taladii dalka.
Hadalka Xildhibaanka ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay soo baxayeen warar sheegaya in Madaxweyne Farmaajo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay Mooshin ka waddaan.
Wasiiro ka tirsan dowladda ayaa xaqiijiyay in uu jiro Mooshinkaasi.