Ma Dhabbaa In Xildhibaan Mahad Salaad Iyo Xasan Sheekh Maxamuud Ay Isku Dhaceen? (Sir iyo Xog)

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa safar shaqo ku aaday dalka Turkiga laba todobaad ka hor waxaana uu halkaas kula kulmay saaxiibbo badan oo uu lahaa, kuwaas hadda ku nool dalkaas.

Shakhsiyaadka uu halkaas kusoo arkay waxaa kamid ahaa madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaab deegaan ahaan halkaas u dagan iyo mas’uuliyiin kale oo qeyb ka ahaa ururkii dem Jadiid.

Xasan Sheekh ayaa talooyin siiyay Mahad, isagoo kaga digay in uu mucaarado dowladnimada Soomaaliya, uuna keliya ku ekaado in uu mucaarado dowladda Soomaaliya iyo qaabka ay u shaqeyso.

Xasan ayaa ka digay sidoo kale in beesha uu ka dhashay Farmaajo ee Darood in ay si kale u arkeyso haddiii Hawiye oo idil uu u istaago mucaaradidda dowladda Farmaajo, taasna ay caqabad dambe ku noqoneyso taageerrada oo heli karo haddii madaxwayne Hawiye ah la doorto kalka soo aaddan.

Ugu yaraan in dib loo dhigo mucaaraddada saa’idka ah, islamarkaana lagu jaangooyo ilaa xad macquul ahaan shaha, lana yareeyo kicinta reerraha oo beryihii lasoo dhaafay Mahad iyo xertiisa ay caan ku ahaayeen.

Dhammaan waxa ay ahayd talooyinkii Xasan Sheekh maxamuud uu la wadaagay saaxiibkiisa Mahad Salad oo ay isku xisbi ahaayeen islamarkaana weli isku fikir ah.

Ha yeeshee wararka hoose ee aynu heleyno waxa ay shegayaan in Mahad uu ka biya diiday qaar kamid ah qodobaddii uu Xasan Hordhigay, waxaana loo badinayaa in ay tahay midda kicinta reeraha oo qarranimada Soomaalida halis gelin karta.

Sidaa darteeda Mahad ayaa kasoo carooday sida ay sheegayaan dad xog ogaal u ah sheekada, waxaana ay middaas keeni kartaa kala jab hore oo ku dhaca xisbiga Damul Jadiid.