Dagaal Culus oo Caawa Degmada Kaaran ka dhacay Iyo qasaaro ka dhashay?

Caawaa dagaal xoggan oo qasaaro badan dhaliyay una dhaxeeyo ciidan ka wada Tirsan Dowladda dhexdeeda ayaa ka dhacay degmada Kaaran ee Gobalka Banaadir Ciidankaas oo qaab beel u abaabulan.
Ciidankan ayaa horey ugu dagaalamay Maalmo ka hor degmada Kaaran, iyadoo aay xusid mudan tahay in aynaan jirin cid wax ka qabatay hadii aay ahaan laheed laamaha amniga iyo masuuliyiinta kala duwan oo aay quseeyso wax ka qabashada dagaaalkaasi.
Dadka degan Xaafada lagu dagaalamay oo inta badan ka barakacay halkaasi ayaa Duqa magaalada Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir Thabit Cabdi Maxamed ku eedayay in uu ku fashilmay wax ka qabashada Amniga Gobalka Banaadir Ciidanka mudo todobad ah ayaay is horfadhiyeen sidaan oo kale maalin ka hor dagaal ayaa isla goobta ku dhex maray cid ku baxdayna ma jirto ama masuuliyad iska saartay shacabka lagu dul dagaalamayo ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha ku dhaqan Degmada Kaaran.
Ciidanka dagaalamaya ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, iyadoo uu qasaaro soo gaaray dad shacab waloow, xiligoo habeen ah awgiis aan la ogaan karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
Maalmo ka hor sidaan oo kale dagaal Ciidan Dowladda ka wada Tirsan oo qaab qabiil u abaabulan ayaa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka degmada Hodan iyadoo arintaan bilooyinkii ugu danbeeyay sii xoogaysanaysay Masuuliyiinta Gobalka Banaadir ee uu Taabit ugu horeeyana kama hadlin dagaalkaasi.
By Nur Ismail Sheikh
sahalmedia@gmail.com