Qof lagu dilay Bakaaraha Iyo Amaankii oo Faraha ka Baxay?

Wiil dhallinayo ah ayaa lagu dilay Suuqa Bakaaraha iyada oo kooxda dilka geysatayna la xaqiijiyay in ay ka baxsadeen gudaha suuqa Bakaaraha.
Wiilka la dilay ayaa da’diisa lagu qiyaasay 25-30 jir waxaana lagu dilay qeybta Bagaashka ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah ayaa  u sheegay Warbaahinta in Wiilka la dilay uu u shaqeynayay Sharikad kuwa Nadaafadda ah oo magaceeda lagu sheegay Green Life.
Dilalka ayaa ku soo badanaya Muqdisho waxaana ugu dambeeyay Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo xalay lagu dilay Muqdisho,sidoo kale Habeen hore ayaa Muqdisho lagu dilay Gabar ka tirsaneyn Booliska Soomaaliyeed.
Ciidamada Xasilinta loo bixiyay ayaa loo xil saaray amniga Muqdisho,waxaana ay baaritaanno ka sameeyaan waddooyinka muhiimka ah iyada oo dilalkuna ay joogto ka yihiin Magaalada Muqdisho.
Majirto cid sheegatay ilaa hadda dilka wiilka dhallinyarada ah loogu geystay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.