Sawirro: Beel ka Mid ah Beelweynta Abgaal oo Duub Muqdisho ku Caleema saartay!!

Xaflad lagu maamuusayay caleema saarka Duub cusub oo ay yeelatey Beesha Cali Muuse Cabdulle oo ka tirsan Beel weynta Yuusuf Daa’uud, ayna ka soo qeyb galeen Xildhibaano ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, madax dhaqameed, qurba joog, Waxgarad, Haween, Dhalinyarao iyo marti sharaf kale oo aad u fara badan ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Hadal uu munaasabadaasi ka soo jeediyay Xildhibaan C/qaadir Carabow Ibraahim ayaa Nabadoonka cusub ee la caleema saarey ugu baaqay in uu ka shaqeeyo caddaaladda iyo sidii uu u noqon lahaa qof ka soo baxa masuuliyadii loo igmaday, waxaana uu halkasi ka soo jeediyay in gacan lagu siiyo Duqa la doortey gudashada waajibaadkiisa, isagoo Alle uga barayay in u fuddudeeyo xilka loo Duubay.
Gudoomiyaha Dalladda Ururada Bulshada Rayidka ee Ex. Banaadir Xaaji Muxyadiin Xasan Afrax, Nabadoon Tuur-yare Cali Dheg-naas, Nabadoon Axmed Gaari, Islow Xasan Ganey, Abwaanad Taliso Maxmuud Cumar {Goley} iyo Nabadoono kale oo macruuf ah ayaa madashaasi ka hadlay waxayna caddeeyay inay soo dhaweynayaan duubka cusub oo ay dooratey beesha Cali Muuse, iyagoo balan qaadeen inay la shaqeyn doonaan.
Duubka cusub ee maanta la caleema saarey ee Beesha Cali Muuse Cabdulle (Ibraahim Maxaa Dheere), Nabadoon Cumar Maxamed Caddow (Cumar Dhegey). oo gaba-gabadii munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku cel-celiyay inuu ku shaqeyn doono Kitaabka Quraanka Kariimka ah, waxaan uu hoosta ka xariiqay inuu mudnaanta koowaad siin doono sidii uu caddaalad iyo sinnaan uu ugu hogaamin doono beesha dooratey, isagoo dhinaca kale codsadey in lagu taageero gudashada xilka la huwiyay.
Munaasabadaasi oo si si qurux badan loo soo agaasimay ayaa intii ay socotey waxaa lagu soo bandhigay Suugaan isugu jirtey Shirib, Gabayo iyo Buraanbur lagu taageerayay Nabadoonka la caleema saarayay, Xafladaasi oo aad loola dhacay ayaa ku soo gaba-gabowday jawi aad u wanaagsan.
24909944 1768673406767639 2676097389303954385 N
24909944 1768673406767639 2676097389303954385 N
24991281 1768673340100979 6971271488646601955 N
24991281 1768673340100979 6971271488646601955 N
24991506 1768673490100964 5258602471406180658 N
24991506 1768673490100964 5258602471406180658 N
24991507 1768673293434317 9074260179020776775 N
24991507 1768673293434317 9074260179020776775 N
25151896 1768673386767641 5012357632374356898 N
25151896 1768673386767641 5012357632374356898 N