Maxaa Looga Hadli Doonaa Kulanka Baarlamaanka Ee Maanta?

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta yeelanaya shirkoodii caadiga ahaa, waxaana lagu sii siqayaa xilligii fasaxa.

Ajanddaha looga hadli doono maanta shirka golaha baarlamaanka waa miisaaniyadda guud ee dowladda sannadka 2018-ka, iyadoo laga yaabo in isla maanta la ansixiyo.

Miisaanniyaddii 2017-ka waxaa lagu soo kordhiyay keliya qoondada Akaddeemiyad afka iyo suugaanta qaranka, taas oo aan wax miisaanniyad ah ku lahayn, dowladda.

Si kastaba ha ahaatee 16-ka bishan waxaa la rejeynayaa in xildhibaannada qaranka ay aadaan fasax dheer oo laba bilood ah, kaas oo ay dib ugu noqonayaan goobihii laga soo doortay.