DEG DEG:- Weriye Caan Ah OO Lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho lagu dilay weriye Maxamed Ibraahim Gaaboow kaas oo katirsanaa TV ga Kalsan ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka gaarigiisa loogu xiray walxaha qarxa, salaaddii Makhrib ee xilliga Muqdisho, ka dib na uu u geeriyooday.

Marxuumka dhintay ayaa horey ula soo shaqeeyay Tvyo ay kamid yihiin Royal, haddana wuxuu ahaa weriye ka howl gala TV ga Kalsan ee qeybtiisa magaalada Muqdisho.

Haddii aan nahay bahda Shabakadda Shaaciye waxa aan u rejeynaynaa in uu alle ka waraabbiyo jannadii fardowsa ahayd, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelkiisa iyo asxaabtii  uu ka baxay.