Wadada xiriirisa Muqdisho & Afgooye oo xiran Iyo Xaalada oo Kacsan?

Waxaa saaka gabi ahaanba xiran wadada isku xirta Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye, kadib markii shalay halkaasi la soo dhigay Isbaarooyin cusub oo gaadiidka lacago looga qaado.
Wadayaasha gaadiidka oo soo dhigtay Baabuurtooda meelo kala duwan, ayaa wadada laamiga ah waxa ay ka dhigayaan Banaanbax cabasho ah oo ku aadan jidgooyooyinka cusub ee wadada la soo dhigay.
Qaar ka mid ah dadkii ku soo lugeeyay wadada ayaa waxa ay sheegeen inuusan jirin wax gaadiid ah oo wadada maraayo, sababo ku aadan dadka oo wadada xiray.
Isbaarooyinka cusub ayaa waxaa la soo dhigay meel ku dhaw degaanka Lafoole ee Gobolka Shabellaha hoose, sida ay qireen masuuliyiinta Maamulka Degmada Lafoole.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in dadka shacabka ah iyo wadayaasha gaadiidka ay diideen gaadiidka inay wadada maraan, waxaana ay ku dhawaaqayaan hadalo ka dhan ah isbaarooyinka cusub ee halkaasi la soo dhigay.