Waa Kuwee Gobollada Ugu Badan Ee Ay Dadku Dhinteen Sannadkan Soomaaliya? (Xog Qaramada Midoobay)

howlgalka qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa soo saaray gobollada iyo maamul goboleedyada dalka iyo sidii ay u saameysay waxyeellada argiggixisada.

laga bilaabo 1-dii Janaayo ilaa 14-kii October sannadkan waxaa la diiwaan geliyay in 4,585 qofood ay ku waxyeeloobeen guud ahaan dalka.

Kiisaska waxyeellada haddii aan sii kala qaadno 2078-qofood ayaa ku geeriyootay dalka intii lagu guda jiray sannadkan gaba gabada ah, 2507 qofood ayaa iyagana ku dhaawacmay shilalkii iyo qaraxyadii ka dhacay dalka.

2728-qof oo kamid ah tirada aan kor kusoo xusnay waxaa waxyeeleeyay kooxda Alshabaab, 594-qofood waxaa wax yeeleeyay maleeyshiyo aan heybtooda la garaneyn, 522-qofood iyagana waxa ay waxyeelo kala kulmeen dad ka tirsan dowladda; 181-qofood oo waxaa waxyeeleeyay ciidanka nabad ilaallinta ee AMISOM,  halka 560- qofoodna ay ku waxyeeloobeen kooxo aan heybtooda la garaneyn iyo si qariib ah.

Haddaba sawirka hoose ka akhriso oo ka fiirso maamullada iyo sida ay ugu waxyeeloobeen dadkooda dhacdooyinkii sannadkan.

FG:- waa soo saarkii qaramada Midoobay.


Fb Img 1512891750090
Fb Img 1512891750090

Fb Img 1512891747239
Fb Img 1512891747239