Laba Wiil Oo wada Dhashay Oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho Iyo Shabaab Oo Sawir Kale Ka Bixiyay Dilkaas!!!

Warar aan ka helayno magaalada Muqdisho duleedkeeda gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil u geysteen mid kamid ah askarta dowladda Soomaaliya.

Sarkaal ka la dilay ayaa marayay waddada isagoo wata gaarigiisa, kooxda Hubeysan ayaa rasaas oodda kaga qaadday, taas oo keentay in durba uu halkaas ku naf baxo.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in gaarigii uu watayna ay ka qaateen kooxdii dilka geysatay, sidoo kale waxa ay sheegayaan warar kale oo aan la hubin gaari uu la saarnaa walaalkiis oo isna la dilay.

Kooxda Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana ay ku sheegeen sarkaalka la dilay in uu ahaa mid ka tirsan ciidanka dowladda ee isbaarrada Siinka dheer ee duleedka Muqdisho.

Dilalka noocaan ah ayaa kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo qeybo kamid ah gobollada dalka, waxaana inta badan mas’uuliyaddooda sheegta kooxda shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.