Kooxda Shabaab Oo Bayaan Lala Yaabo Ka Soo Saartay Arrinta Quddus

Hoggaanka ugu sarreeya kooxda Shabaab ayaa soo diray bayaanka dheer oo ku qornaa luuqadda Carabiga, kaas oo lasoo dhigay website ka ay kooxdaas ku leeyihiin barta internet ka.

Bayaanka ayaa loogu magac daray ” Kulankeennu waa Beytal Maqddis” kaas oo ay kaga hadlayaan mowqifkooda kaga aaddan arrinta Quddus.

Wuxuu ahaa Bayaan ka kooban saddex bog, oo dhammaan ay ku qoran yihiin luuqadda Carabiga, waxaana ku jiray aayado Qur’aan ah iyo Axaaddiis iyo hadalla ay yiraahdeen qaar kamid ah culimmada ay isku fikirka yihiin.

“Kedis naguma ahayn hadalka kasoo yeeray doqonka Aqalka madow, Trump Iyo ku dhawaaqistii uu ku sheegay in Qudus –ta muslimadda ah ay tahay  caasimadda banii Sahyuun, sidoo kalana lama aynaan fajacin sida liidnaanta ku jirto  ee dhawaaqiida dabadhilfiyada u ah reer galbeedka ay u meel mariyeen heshiiskan, kani waa dhaqankooda, taasina waa  wadada ay ku dulleynayaan shucuubta,  kuna ihaaneysanayaan muqadasaatkooda” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Waxaan Anigu yaqiiinsannahay in Yahuuda, Nasaarada iyo Murtadiintuba yihiin cadowga Umadeena laga soo billaabo tan iyo markii lasoo saaray Nabi Muxamed SCW, mana ka zuuleyno inaan loolan kula jirno iyaga illaa Alle ka dhaxlo dhulka iyo wax dul saaran, Beytul Maqdas dartiisa iyo in wasakhda Yahuudda laga nadiifiyo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa, manaraadihiisana laga taago Raayada Towxiidka ayay us oo nafiireen koox ka tirsan Muslimiinta, iyagoo ka jawabaya baaqa Rabigooda, intaas kadbina ka dhabeynaya dhaartii shahiidka Umadda, sidaan u rajeyneyno Sheykh Usaama bin Laadin –Taqabalahullaah- markii uu ku dhaartay inuu soconayo dagaalka illaa aan uga gargaareyno Filastiin ama aan dhadhamineyno wixii uu dhadhamiyay Xamza bin Cabdil Mudhalib Radiyallahu canhu, welina dhawaqa dhaartiisii caanka ahayd kama tagin iney ku soo dhacdo dhegaha kuwa qiirada badan ee ka mid ah wiilasha Islaamka” ayaa lagu yiri bayaanka.

Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri: “Wadada wadahadallada nabadgeliyada, iyo gurmad dalbashada liidata ee lagu galayo miisaska wadahadalka, iyadoo loo marayo kuwa taagta daran, iyo in la is jecleysiiyo cadow awood iyo hub ku heysta  halkii loo dheelmiyay Nabigeena SCW, waa wado xiran, waxayna ku dambeyneysaa Fashil iyo khasaare aduun iyo mid diimeed, Maanta wuxuu hadalkeena ku wajahanyahay dhamaan Umadda, si aan u xusuusino mas’uuliyada weyn ee dusha ka saaran  dhamaan wiilasheeda, taas oo ah in loo gargaaro Masjidka Al-Aqsaa iyo Beytul Maqdas iyadoo la bixinayo Naf iyo Maal”

Haddaba Hoos Ka Dagso haddii aad dooneyso bayaanka kooxda Shabaab kasoo baxay isagoo Carabi ah islamarkaana PDF ah.

الملتقى-بيت-المقدس