Ka Ogoow Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Derby Manchester Ee U Dhaxeeya Man United Iyo City

Haddii ay Man City adkaato kulanka wuxuu noqon doonaa kii 14-aad oo xiriir ah ay guul gaarto Premier League kaa oo Rikoodh ah.

Yeelkeede, Guardiola ayaa sheegay inuusan Maanka ku heyn Rikoodh balse uu hadafkiisu yahay sidii uu u hormarin lahaa Istraatiijiyada uu ku garaaci lahaa Jose Mourinho.

Wararka Labada Dhinac

Paul Pogba ayaa ganaax ku seegi doona kulanka kaddib kaarkii casaa uu qaatay ciyaartii Arsenal.

Nemanja Matic ee qadka dhexe kala ciyaara Pogba ayaa ciyaari doona iyadoo ay jirto inay jug gaartay halka ay soo laabteen Zlatan Ibrahimovic iyo Phil Jones.

Marouane Fellaini ayaa mari doona tijaabooyin waqti dambe ah.

Tababaraha Man City  Guardiola ayaa sameyn doona go’aan waqti dambe ah oo ku aadan taam ahaanshaha Vincent Kompany, kaddib markii uu ka saaray shaxdii arbacada ee Shakhtar Donetsk.

David Silva ayaa diyaar ah kaddib dhibaato muruq ah oo soo gaartay balse waxaa shaki ku jiraa Fabian Delph oo xanuunsan.

Ogeysiiska Ciyaarta:

Kulanka: Man United vs Man City (Premier League)

Goorta: 7:30 Habeenimo

Goobta: Old Trafford

Garsoorka: Michael Oliver (England)

Kulamada Waji ka Wajiga:

Man United ayaa guul darreysatay todobo ka mid ah 12 kii kulan horyaalka ee ugu dambeeyay Derby Manchester, waa in la mid ah intii laga adkaaday 45-jeer ay iska horyimaadeen.

Waa Derby-gii ugu horreeyay tan iyo bishii April 2013 markaa ay labada kooxood is qabtaan iyagoo ku jira labada kaalin ee ugu sarreysa.

City ayaa 27-gool Premier League ku soo dhalisay Old Trafford waana kooxda ugu badan.

Kulanka kaliya ee Man United garoonkeeda looga adkaaday 42 kulan dhammaan tartamada intii uu xilka u hayay Jose Mourinho ayaa imaanaya September 2016 kolkaa ay ka adkaatay City. 30-kulan ayay ku adkaadeen garoonkooda halka ay bar baro ku galeen 11 kulan.

Xaqiiqooyinka Kulank:

MAN UNITED:

United marna dhinaceeda dhulka lama dhigin 40 kii kulan ee ugu dambeeyay ay ku ciyaarto garoonkeeda, waxay soo bar bareeyeen Rikoodh u yiilay kooxda taa oo la dhigay March 1966 tababare Matt Busby.

Kooxda Jose Mourinho ayaa heysata rikoodh dhanka daafaca ee ugu fiican Premier League kal ciyaareedkan, hal gool oo kaliya ayaa looga dhaliyay Old Trafford sagaal gool oo wadar ahaan laga dhaliyay.

Red Devils ayaa afar kulan oo xiriir ah adkaaday horyalka waana toodii ugu fiicneyd muddo 11 bilood ah.

Mourinho ayaa guuleystay kaliya afar kulan 19-jeer ay kulmeen Guardiola dhammaan tartamada, (4-guul, 7-bar baro iyo 8-guul darro) kaliya hal ka mid ah guulahaas ayaa ah kulan Horyaal.

Jesse Lingard ayaa saddex gool dhaliyay labadii kulan ee ugu dambeysay Premier League waana in la mid ah  isku geynta 51-kulan uu horey u ciyaaray.

Manchester City:

13-ka kulan ay guulaha xiriirka ah Man City ka gaartay Premier League hal xilli ciyaareed ayaa waxay kala sinaatay Arsenal 2001-02 iyo Chelsea oo sidaa sameysay kal ciyaareedkii tagay.

Guul ay caawa Old Trafford ku gaarto wuxuu u xaqiijin doonaa inay soo bar bareeyeen Rikoodhka guulihii ugu badnaa oo xiriir ah ay dhigtay Arsenal intii u dhaxeysay Feebaraayo iyo Agoosto 2002.

Manchester City ayaa guul daradii ugu horreysay 29 kulan kaddib ka soo gaartay Shakhtar Donetsk kulankii ugu dambeeyay wareega Group yada Champions League ay arbacadii ciyaareen.

Sergio Aguero ayaa gool dhalinayay kulan kasta sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay kulamada banaanka ee lagu soo bilaabo Premier League.

Kevin de Bruyne iyo David Silva ayaa ah boqorada caawinta Premier League ee xilli ciyaareedkan oo min 8-caawin ayay sameeyeen.

Safafka Macquulka ah inay ku soo galaan labada Manchester:

derrr

Xigasho:- Gool FM.