Howgalo ka dhacay Gobalka Baay iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay?

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay Weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen degaano hoos yimaada degmada Buurhakaba ee gobolka Baay.
Maamulka Koonfur galbeed ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileen weerarkaasi kuwa kalena ay ku dhaawaceen.
Sidoo kale Maamulka waxa uu sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag ka tirsan Al-Shabaab intii uu socday weerarka.
Afhayeenka Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii Al-Shabaab ay kaga saari lahaayeen guud ahaan degaanada koonfur galbeed.
waxa uu tilmaamay in ay xoojinayaan Weerarada Al-Shabaab lagu qaadayo.
Afhayeenka Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya Nuuradiin Abuukar ayaa sidoo kale sheegay in Maamulka ay ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab.
maalmihii dambe ayaa degaanada koonfur galbeed waxaa ka dhacaayay dagaal u dhaxeeya Al-Shabaab iyo ciidamada maamulka koonfur galbeed.