Erdogan oo Taleefanka kula hadlay madaxweynayaasha Dalal Dhowr ah iyo Xiisada Quddus?

Madaxweynaha Dalka Turkiga aya Qadka Taleefanka kula hadlay Madaxweynayaasha Waddamada Gobolka si ay isula meel dhigaan go’aanka uu Trump Caasimadda Yuhuudda ugu aqoonsaday Magaalada Quddus.
Erdogan ayaa dhamaan Madaxweynayaasha uu la hadlay ee dalka Azerbaijan, Kazakhstan  iyo  Lebanon waxaa uu u sheegay in go’aanka Trump uu amni darro ka abuurayo gobolka loona baahanyahay in ay meel ka istaagaan go’aankaas.
Waxaa kale oo uu ku baaqay in ay ka qeybgelaan shirka xilligiisa laga soo hormariyay ee Ururka Iskaashiga Islaamka ee 13k Bishan ka dhacaya Dalka Turkiga,kaas oo uu Madaxweyne Erdogan ku dhawaaqay.
Erdogan waxaa kale oo uu Madaxweynayaashaas la wadaagay in Nabadda Gobolka ay ku jirto Dowlad Falastiin oo madaxbanaan islamarkaana Caasimaddeeda tahay Bariga Quddus.
Waxaa kale oo uu Taleefanka kula xiriiray Madaxweynaha Dalka Frnace Macron oo ay sidoo kale ka wadahadleen isla arrinta Quddus.