Deg deg: Ridwaan Salaad oo Caawa lagu dilay Muqdisho?

Wararka ka imaanaya Xaafadda Jaamacadaha Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Kooxo hubeysan ay hoygeeda ku dileen Ridwaan Salaad oo katirsaneed Booliiska Soomaaliya.
Dableyda Ridwaan Dishay ayaa la sheegayaa in ay Hoygeeda ugu galeen isla markaana ay Dhowr Xabad ku dhufteen, Isla Goobta ayeyna ku geeriyootay
Waran ku waxa ay intaa raacinayaan in Kooxdii dilka geysatay ay isla Goobta ka baxsadeen, waxaana Halkaa gaaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo baaritaano Dilka la xiriira ka bilaabay.
Ciidamada Dowladda Lama Shaacin cidda ay kusoo qab-qabteen Howlgalka, ma jirto Cid sheegay mas’uuliyadda dilka Haweeneyda katirsaneed Ciidamada Booliiska.
La soco wixii kasoo kordha.