“Ra’iisul Wasaare Kheyrre Qalad Kuma Maagin Dowladdii Hore Wuu il Duufay!!!”

Nuur Faarax Jimcaalle Hanti dhowrihii hore ee qaranka ayaa ka hadlay arrintii beryahan ba la hadal hayay ee Kheyrre uu ka yiri madashii lagu soo bandhigayay Soomaaliyada cusub.

Ra’iisul wasaaraha qaranka ayaa aad ugu dheeraada khudbad u badneyd “Waa markii ugu horreysay” taas oo gaartay xitaa in lagu maago madaxdii hore.

Kheyrre ayaa sheegay in qasnadda dowladda ay faaruq ahayd markii uu xilka qabanayay, ha yeeshee hadda ay lacag ku jirto, hanti dhowraha qaranka ayaa u sheegay warbaahinta in ra’iisul wasaaraha taas ay qalad ku tahay, uuna u maleeyo in ay si kama’ ama kuuma jeedin kaga dhacday.

“Ra’iisul Wasaaraha wuu qaldamay ma dhihi karo wuu ilduufay, lacagtaas shan Milyan iyo waxoogaa ayay aheyd, Qasnada dhexe ayay ku jirtay, maalinkii Madaxweynaha la doortay maalintii ku xigtay ayaa wrabixin ka siiyay, markii uu xilka la wareegayna warbixin ayaa ka siiyay”ayuu yiri Nuur Faarax.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa aaminsan in Kheyrre uu ku doonayay in uu ku beer laxawsado kasoo qeyb galayaasha shirkaas.