“Maxaa Ku Dhacay Guddoomiyaha Degmada Hodan?, Mise Magacaabiddiisa Wax Qabad Uma Xigin?!!!

Degmada Hodan ee gobolka Benaadir, waa mid kamid ah degmooyinka Juqraafi ahan ugu saameynta badan gobolka, sidoo kale shaqo ahaanna waa la mid waxaana ku yaalla qaar kamid ah suuqyada ugu waa wayn gobolka, sida Bakaaro.

Guddoomiye Cantoobo oo ah horjoogaha degmadaas ayaa gabay howshiisa, waxaana degmadiisa ka dhacay dhowr toban dhacdo oo dhibaatooyin kala duwan geystay tan iyo maalinkii la magacaabay.

Isgoyska Tabbuunka iyo agagaarkaas waxaa ka socda xiisado dagaal kaas oo keenay xitaa in maanta la isku fara saaro halkaas, weli wax war ah kama soo bixin maamulka degmadaas, waxaase la is wayddiinayaa halkee buu aaday guddoomiyaha?

Dadka qaar ayaa ku tuhma guddoomiyaha degmada in weli ay ku jirto dhallinyaronimo isagoo wakhtiga ugu badan ku bixiya sidii uu iskaga tamashleyn lahaa, ha yeeshee weli ma ahan wax sugan inkastoo ay saaxiibbadiisa ugu dhow ay fikirkaas la wadaageen warbaahinta.

Maarreynta dhacdooyinka degmada, sidoo kale dib u heshiisiinta waxyaabaha ka dhacay degmadiisa waa qeyb kamid ah waxyaabaha loo igmaday, ha yeeshee guddoomiye Cantoobo middaas waa uu ka seexday sida ay qabaan dadka falanqeeya siyaasadda gobolka Benaadir.