Fadeexad:- Ma Dhabbaa In la Lunsaday Lacago La Doonayay In Kabo Loogu Soo Iibiyo Ciidanka Booliska? (Sir iyo Kashifaad)

hanta-dhowrka guud ee dalka Kenya, Edward Ouko ayaa sheegtay in musuq maasuq badan uu galay kabo usoo iibinta ciidanka booliska dalkaas.

1.7 Milyan oo dollar ka Amerikaanka ah ayeey lumisay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya, ka dib markii la isku dayay in la arad tiro ciidanka Booliska dalkaas.

Booliska qaar ayaa wata kabo dhammaad ah, halka kuwa kalena ay iskooda usoo gateen kabaha ka dib markii uu ka dhammaaday, taas oo cagsi ku ah sharciga booliska dalkaas.

Diiwaanka wasaaradda ayaa laga ogaaday in qorshuhu ahaa inay soo iibsato 26,500 oo kabo, balse ay soo gadatay 78,000 kabo.

Mas’uuliyiinta wasaaradda ayaa sheegay in kabaha dheeraadka ah ay ugu talagaleen booliska cusub ee aan tababarka dhamaysan.

Waa mid kamid ah musuq maasuqyadii ugu wayn ee ciidanka booliska dalkaas lagu sameeyo, waxaana weli socda baaritaanka arrintaas lagu hayo.