FAAFAAHIN:- Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Is Rasaaseynta Ka Socota Magaalada Muqdisho!!

Isgoyska Tabbuunka ee magaalada Muqdisho ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay mid kamid ah tacshiirradihii ugu wayn ee dhowaan ka dhaca Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in halkaas isku heystaan dad wada dhashay oo isku qabiil ah, kana soo jeeda beesha Ceyr Habar Gidir, kuwaas oo isku heysta dhul la sheegay in midkood midka kale uu kaga hormarayo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in is rasaaseynta daqiidaha badan socotay ay sabab u ahayd markii shalay galab la dilay laba qofood oo kamid ah garab kamid ah labada garab ee is haya, taasna ay keentay in saaka lagu waabbariisto xaalad dagaal iyo jebi aan nabdooneyn.

Labada qofood ee shalay la dilay ayaa ahaa laba nin oo isla Ceyr ah, waxaana ay kulahaayeen gudaha deegaankaas magac wayn iyo maammuus, kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, ha yeeshee dibbanayaasha dilka loo geystay ayaa iyagana isku soo diyaariyay in ay ka aar gutaan ciddii dhibta u geysatay.

Saakay jebiga wuxuu ahaa mid aan dagneyn, waxa la isku heystana waa dhul sharci darro ah oo aan weli la sharciyeen, kaas oo xitaa aysan labada dhinac ee isku dagaalaya midkood uusan lahayn, sida uu ii xaqiijiyay mid kamid ah goobjoogayaasha kusugan goobta dagaalka.

Wixii warar ah oo kusoo kordha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa inshallah