Diyaarad Sidday Soomaali Tarxiil Ah Oo Hawada Ku Ciladoowday!!

Ku dhowaad 92 ruux oo Soomaali ah ayaa laga soo tarxiilay dalka Mareykan ka, kuwaas oo aan wax sharci dal ku gal ah ku imaan dalkaas.

Ha yeeshee diyaaraddii kasoo qaadday Mareykan ka ayaa hawada ku ciladoowday, taas oo keentay in dib loogu celiyo dalkaas.

Dhammaan dadkii saarnaa ayaa nabad qaba, ha yeeshee diyaaradda waxa ay ku dagtay dalka Senegol ee qaaradda Afrika, waxaana ugu dambeyn dib loogu celiyay dalka Mareykan ka.

Waaxda duulimaadka dalka Mareykan ka ayaa xaqiijiyay in ay hawada ku ciladoowday diyaaraddaas, taasna ay keentay in dadkaas Soomaalida ah dib loogu celiyo Mareykan ka ilaa laga helayo diyaarad ka wanaagsan middii hadda soo qaadday.

Tan iyo markii uu dalka awooddiisa la wareegay madaxwayne Donald Trump, dhammaan dadkii sharci darrada kusoo galay dalkaas waxa ay ahaayeen kuwa laga soo tarxiilayay dalkaas.