Alshabaab Oo Bandhigtay Askar Ka Goosatay Dowladda Soomaaliya

Kooxda Alshabaab ayaa baahisay in gacanta ku dhigeen saddex askari oo ay sheegeen in ay kasoo goosteen dhanka dowladda Soomaaliya.

Saddex da askari ayaa ahaa kuwa la shaqeynayay oo katirsan ciidanka dowladda ee kusugan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Ceelbuur.

Wararka ayaa intaas ku daraya in raggan ay kasoo baxsadeen dhanka dowladda iyada oo aan la ogeyn, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Soomaaliya.

isa soo dhiibta askartaas waxa ay imaaneysaa xilli wasiirka Amniga Soomaaliya mudane Ducaalle Islow uu sheegay in dhowr konton qofood oo Shabaab ah ay dowladda isku soo dhiibeen tan iyo dhacdadii Soobbe.

Daawo sawirradooda saddexda askari ee isa soo dhiibay: