Puntland oo Calmadow ka wada Howlgalo ka dhan ah Daacish iyo Shabaab?

Wararka naga soo gaarayo Dhulka buuraha ee Puntland ayaa soo sheegayo in Ciidamada amaanka ee Puntland ay maanta Howlaglo ka wadaan deegaanadaasi.

Howlgalka ayaa laga sameeyay Buuraha Harweyne oo Hoos yimaada Calmadow ee Gobalka Bari, waxaana la sheegayaa in tiro dad ah lagu soo qab qabtay.

Howlgalka ay wadaan Ciidamada Puntland ayaa la sheegay in lagu raadinayo dagaalamayaal ka tirsan Shabaab iyo Daacish oo dhulkaas Nawaaxigiisa ku xoogan.