Xildhibaan Xidig, oo Ka Hadlay Dhibaatoyin Taagan oo aay ka gaabsadeen Xildhibaanada BFS?

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in Mudanayaasha Baarlamaanka ay ogaadaan Odayaashii soo xulay oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heystaan gudaha Dalka.
Waxaana uu tilmaamay in siyaabo kala duwan loo dilay qaar ka mid ah Odayaashii Dhaqanka, islamarkaana aysan jirin cid wax ka qabatay dhibaatooyinkaasi.
Xildhibaan Xidig ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in Guddoonka Golaha Shacabka ay wax ka qabtaan arrimahaasi.
Hadalkan ayuu ka jeediyay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig kulankii Shalay Baarlamaanka Soomaaliya ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.
Waxaana uu ku soo aadaya, xilli inta badan dhibaatooyin Amni gudaha Dalka ay ku heystaan Odayaashii soo xulay Baarlamaankan, kii ka horreeyay intaba.