Madaxweyne Farmaajo oo furay Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya

Magaalada Muqdisho waxaa goordhow ka furmay Shirka Amniga Qaranka Soomaaliya waxaana ka qeybgelaya beesha Caalamka,Dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada.
Wasiirrada arrimaha gudaha,Gaashaandhigga,Amniga iyo maaliyadda ayaa shirka sidoo kale ku leh Khudbado min labo daqiiqo ah oo ay kaga warbixinayaan xaaladda Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa shirkan furay,waxaana uu socon doonaa muddo labo cisho ah kaas oo lagu gorfeynayo amniga SOomaaliya.
Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada ayaa iyana ka qeybgelaya shirkan ku saabsan amniga Qaranka Soomaaliya.
Munaasibadda xisitaanka ayaa waxaa ka hadli doona Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre,waxaa kale oo iyana ka hadli doona wakiillada beesha Caalamka ee shirkan uga qeybgelaya Magaalada Muqdisho.