Xaalad Murugsan oo Laga soo Sheegayo Degmada Raaga Ceele iyo Tuulooyin Hoostaga?

Waxgaradka ku dhaqan Degmada Raaga Ceele ,ee Gobalka Shabeellaha Dhexe oo Xariir la soo sameeyay Shabkada Shaaciye.com ayaa sheegay in deeganaa Hoostaga halkaasi aay ka jirto Xaalad Beni aadinimo.
Waxgaradka iyo Odayaasha ku dhaqan Raage Ceele, ayaa sheegay in Degmada Raaga Ceele iyo Tuuloyinka Hoosyimaada Sida Qoordheere Geyfo Xawaal duubile ,Bakad jeex war kulan aynaan laheyn goobo Caafimaad waxbarasho.
Waxgaradka ayaa sheegay in dad u badan Haween , sanadahii ugu danbeeyay ugu dhinteen daawo la,aan halkaasi iyaga oo qaarkood Magaalada Muqdisho loo soo wado wadadadda ku geeriyooday.
Jaaliyadaha Dibada ku dhaqan, ayaay ku dhaliileen in aay gacmaha ka laabteen dadka ku dhaqan deeganadaasi iyaga sidoo kale ku baaqay in wax laga qabto waxbarasho, la,aanta ka jirta halkaasi oo aay sheegen in dhalaan badan oo soo koraayo tacliin la’aan ku haysato.
Gudoomiyaha Degmada Raaga Ceele , ayaay ku eedeeyen Wagaradku in uu deegan ka dhigtay Xaafad ku Taal Muqdisho, marka uu yimaadana uu la kulmo kaliya Ciidanka AMISOM ee halkaasi jooga.
Deeeganada Beelweynta Abgaal Cismaan, ayaa dhamaan inta badan ka siman Waxbarasho la,aan goobo waxbarasho oo aanan ku aalin iyo wadooyinka taga oo wax laamiya laheyn.