Wasiirkii 3-aad oo iska iscasilay Hirshabeelle

Wasiiru Dowlaha Wasaarada arrimaha gudahaa Hirshabeelle Yuusuf Cali Cilmi ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka uu u magacaabay Madaxweyne Waare Arbacadii ina soo dhaaftay.
Sababta uu xilkan isaga casilay ayuu ku sheegay Wasiirka, kadib hadal uu siiyay Warbaahinta gudaha in ay tahay inuusan ku qanacsaneyn xilka loo magacaabay.
Sidoo kale Arbacadii oo aheyd maalinkii lagu dhawaaqay liiska Golaha Wasiirada Hirshabeelle waxaa is casilay Wasiiru Dowlihii Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta Hirshabeelle Ismaaciil Maxamed Culusow, ka dib markii uu sheegay inaanan lagala tashan xilkaasi.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa magacaabay 57 xubnood oo ka kooban Golihiisa Wasiirada, Wasaaradaha uu soo dhisay Madaxweyne Waare waxaan ku jirin Wasaaradda Haweenka.
Waa Xubintii Saddexaad oo ka mid ah golaha wasiirada uu magacaabay madaxweyne Waare oo shaaciyay inuu is casilay.