Olole Noocee Ah Ayaa Ka Socda Xarunta Baarlamaanka Gudaheeda? (SIR IYO KASHIFAAD)

Waxaa jirra olole ay wadaan xubno baarlamaanka Soomaliya ka tirsan iyo siyaasiyiin hore oo ay ku doonayaan Motian ama soojeedin kalsooni kala noqosho ah Dowladda Madaxweyne Farmaajo.

Dadaalkan waa billow. Gacmo badan ayaana ku dhexjirra. Waloow kooxaha howshan wada ay kala ujeedo yihiin haddana waxay ka midaysan yihiin in la gilgilo dowladda Madaxweyne Farmaajo.
Soojeedinta iyo ololahan socda kama marno lacago la isu balanqaaday iyo waliba kuwo la isdhaafsanayo haddaba. Saxiixa Mooshinkani ayaa lacago la isku siinayaa. Ballanqaadyo kalena wey jirraan.
Sidoo kale dowlada wey ka warhaysaa daadkan ku soo qulqulaya iyaduna ma dareen xumo. Howshan xukuumad-ridka ah waxay ka socotaa Muqdisho, rag Nairobi joogana wey barigantaalayaan Dubai rag joogana waxbay ka agaasimayaan.
Balse waxaa wax la isweydiinayaan suurtogalnimada sidii loo heli 93 xilibaan oo Mooshinka wada saxiixa baarlamaankana geeya, taasoo haddii ay dhacdo keeni karta dhaawac siyaasadeed oo ku yimaada Madaxweyne Farmaajo iyo asxaabtiisa.