“Kheyrroow Ma Qaab Darradaanaa?!!”

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa caawa sameynaya bandhig iga sheeg ah oo ka dhacaya aqalka ugu dad qaadka badan magaalada Muqdisho ee Sahal Hall.

Malaayiin qofood oo soomaali ah ayaa gaajo u dhimaneysa, askar badan ayaan weli helin gunnadii ay xaqa u lahaayeen, qoysas badan ayeey caawa dab la’aan guriyahoodu yahay, halka Kheyrre lacag ka badan $10,000 ┬áku qarash gareeyay keliya kirrada hoolka.

Dadka ayaa sanka laga gelinayay sidii ay kaga soo muuqan lahaayeen munaasabaddaas olollaha u eg ee uu sameynayo ra’iisul wasaaraha, ha yeeshee cidna isma weyddiin sababta ay waxaas u dhacayaan.

Waddooyin ay kamid yihiin kan KM4, tan Airport ka, 21-ka October iyo kuwa kale ayaa dartiisa u xiran, hoteello iyo maqaayado ku yaallay agagaarkaas ayaa caawa macaamiil la’aan ah, ma qiyaasi kartaa qarashaadka halkaas ku lumaya caawa keligeed?

Hooyooyin masaakiin ah ayaa hoygooda ku noqonaya iyagoo fara maran, bukaan badan ayaa waayay waxqabad caafimaad ka dib waddo xirashadii showga Kheyrre, aabbayaal u xammaalan jiray reerkooda ayaa caawa xilli hore reerka is xaadirin doona, dhammaan ma jirtaa cid wax iska wayddiisay?

Sida ka muuqata munaasabaddaas, waa u dabaal dagga waxqabadka xukuumadda iyo inta ay jirto, haddaba aan is wayddiinee ummulisada ma dabaal dagtaa marka ay u shaqeyso bukaanka? Jawaabta kuu soo baxda ayaan ku xambaari karnaa waxa uu sameeyay Kheyrre.

Kheyrroow ma qaabdarradaanaa?