Al shabaab oo lagala wareegay degaano Muhiima oo hoos Taga gobalka hiiran?

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Hiil Walaal ee Jabuuti ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ururka Al-shabaab waxa ay kala wareegeen degaano hoosyimaada Gobolka.
Degaanada ururka Al-shabaab lagala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Indha Caad, Afar Irdood, Ceel lahele iyo Ceeyrow oo hoos yimaada Gobolka Hiiraan.
Taliyaha Ururka 4-aad Guutada 10-aad ee Qeybta 21-aad ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo la hadlay  CWarbaahinta  ayaa xaqiijiyay warkan.
Dhanka kale Gaashaanle Dhexe Maxamuud (Baakaay) ayaa ka hadlay weerar ururka Al-shabaab ay wadada ugu galeen kolonyo uu la socday Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan.
“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya waxay degaan u dhaxeeya degmooyinka Matabaan iyo Maxaas ku dileen 12 ka tirsan Al-shabaab kuwaasi oo si dhumaaleysi ah u galay wadada”. Ayuu yiri Taliyaha.
Sidoo kale G/Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa waxa uu xusay mudooyinkii dambe Al-shabaab in ay gobolka Hiiraan ka wadeen dhaq dhaqaaq, wuxuuna sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay bilaabeen howlgalo lagula dagaalamayo Shabaab.
“Al-shabaab mudooyinkan dambe Gobolka Hiiraan waxa ay ka wadeen dhaq dhaqaaq dhuumaaleysi ah xogtaasi waan la soconay waxaana ciidanka ay bilaabeen howlgalo lagu cirib tirayo al-shabaab”.