Al shabaab oo Dhacdooyin laga Xumaaday-ka Sameeyay Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud?

Kooxda AL shabaab ayaa degmada Ceel dheer , ee gobalka Galgaduud ka bilaabay af duubka gabdhaha aan qaan gaarin iyaga oo sidoo kale kordhiyay dhibaatooyinka’ aay ku haayan shacabka ku dhaqan deeganadaasi.

Degmada Ceel dheer Maalmahii ugu danbeeyay waxa’ la waayay gabdho gaaraya ilaa 9 gabdhood oo dhamaantood aan qaan gaarin kuwaasi oo la sheegay in maleeshiyada Al shabaab aay u kaxeysteen goobo kale.

Waalidiinta dhalay gabdhahaasi ayaa walaac xoogan ka muujiyay, gabdhaha Kooxda Al shabaab ka afduubteen Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud oo aan la ogeyn ilaa hada meesha aay ku sugan yahiin.

Dhanka Kale, Al shabaab ayaa Degmada Ceeldheer ka bilaabay qorista askareynta’ caruurta aan qaan gaarin iyaga oo si qasaba ugu qoranaya halkaasi.