Wasaaradda Maaliyadda DFS oo Akoonno u fureysa Ciidanka dowladda?

Wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay nidaam cusub oo tijaabo ah kaas oo ay mushaaraadka ku qaadanayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Adeeggan oo Akoonno loogu furayo Askari kasta iyada oo Askariga oo markii hore lacagta u qaadan jiray si kaash ah hadda kaddib ku helaya akoon ahaan.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/Raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in haddii tijaabadan ay guuleysto wax badan laga maarmayo mushaaraadka daaha ee ay la kulmaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Nidaamkan ayaa maanta lagu billaabay Ciidanka guutada 60aad ee Madaxtooyada ilaaliya,kuwaas oo mushaaraadkooda ku qaatay Akoonno.
Wasiir Beyle ayaa sidoo kale sheegay in arrintan ay yareyn karto ama baabi’in karto musuqa ay Hay’adaha Caalamka ka wariyaan Soomaaliya.