Sawirro: Puntland oo ku Dhawaad 3,000 Kun oo Askari Ku Wareejisay DFS?

Maamulka Puntland ayaa maanta oo khamiis ah si rasmi ah dowladda federalka Soomaaliya ugu wareejiyay  masuuliyadda 2,500 askari oo katirsan ciidanka Daraawiishta Puntland ee fadhigoodu yahay xerada General Maxamed ee magaalada Garowe.
Munaasabad haatan ka socota Xarunta xeradaas ayaa hadalkaan wareejinta ciidanka waxaa ku dhaawaqay madaxweyne ku xigeenka dowlad Gobaleedka Puntland, Eng. Camey.
Waxaa goobta wasiiru dowlaha Gaashaandhiga dowladda federalka, taliyaha ciidamada difaaca Puntland, wasiirka amniga Puntland, saraakiil ka socota ciidanka milatariga Soomaaliya iyo guddiga difaaca ee barlamaanka.
Ciidankaan ayaa si r asmi ah uga mid noqon Doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Qaybtiisa 54aad,
waxaana tilaabadaan ay qeyb ka tahay Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Soomaaliya.
Guddiga difaaca barlamaanka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay tilaabadaan waxayna ku tilmaameen Talaabo Wanaagsan oo lagu soo celinaayo Kalsoonida Shacabka.
Sawirradan waa hor dhac  Kuwa kale  oo dheeraad ah Goor dhaw ka Filo…
1 1
1 1
2 2
2 2

3 2
3 2