Sawirro: AMISOM Oo Tababar U Soo Xirtay Saraakiil Ka Tirsan Booliska Koonfur Galbeed?

Illaa 15 sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tababar gaar ah oo qaatay 3 toddobaad loogu soo gaba gabeeyay Magaalada Baydhabo xarunta KMG ee Maamulkaasi.
Waxaana tababarka oo uu qabtay howlgalka AMISOM ee Soomaaliya saraakiisha ka qeyb galeysay laga soo xulay Degmooyinka Gobolka Baay, iyadoo la barayay qaabka loo baaro dambiyada.
Taliyaha Laanta Baarista Dambiyada CID ee Koonfur Galbeed ayaa xusay in tababarkaasi uu muhiim u ahaa saraakiisha ka qeyb gashay, isaga oo sheegay in Booliska Maamulkaasi ay ku yartahay Aqoonta Baarista Dambiyada.
Xiriirayaha Booliska AMISOM ee Koonfur Galbeed Tresphord kasale ayaa hoosta ka xariiqay in u jeedka tababarkan ay tahay in la xoojiyo qaabka loo baaro Dambiyada, taas oo muhiim u ah shaqooyinka ay qabtaan ciidamada Booliska.
Mr Trashord ayaa intaasi ku daray in tababarkaasi uu awood siinayo Laanta Baarista Dambiyada ee KooNfur Galbeed in ay baaritaano dheeraad ah ku sameeyaan Dambiyada waaweyn ee ka dhaca deegaanadaasi.
Howlgalka AMISOM ayaa ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada siiyo tababaro la xiriira dhinaca sharciyada Booliska.
38003526214 0174194a16 K
38003526214 0174194a16 K
38665208116 C9735115ad K
38665208116 C9735115ad K
38665214936 C74d712044 K
38665214936 C74d712044 K
38688486012 8056ba945d K
38688486012 8056ba945d K

38688498282 480a91ca21 K
38688498282 480a91ca21 K