Kooxo Mootooyin wata Oo Dhac ka Geystay Degmada Baclad?

RagĀ  isticmaalaya mootooyinka labo lugaaleeyda ayaa xaley dhac ka geystay duleedka degmada Balcad ee Gobolka shabeelaha dhexe.
Kooxdaan oo wata mootooyin ayaa u socda labo labo waxaana weeraro ay ku qaadayaan gadiidka ku safraya muqdisho iyo jowhar wadada xariirisa.
Mid kamid ah dadka ku nool duleedka degmada balcad ayaa u sheegay Warbaahinta in xaley in duleedka degmada balcad lagu dhacay in ka badan 4 gaari oo qaarkood ay ku siijeedeen magaalada jowhar.
Ragaan dhaca geysanaya waxa ay qaarkood xiran yihiin sida inoola xaqiijiyay dareeska ciidamada dowladda Soomaaliya.
Gadiidka dhaca loo geystay ayaa lagu soo waramaya in dhamaan dadki rakaabka ahaa ee gadiidkaasi saarnaa laga qaatay waxyaabihi ay wateen.,
Maamulka degmada balcad ee Gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa ku fashilmay wax ka qabashada burcadaasi dhibaatada xooggan ku haaya shacabka ku socdaalaya wadadaasi.